Maamulka G/Banaadir oo la wareegay Xarun ay gacanta ku heysay AMISOM

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 10-sanno kadib la wareegay Hoggaanka Xarunta O.P.D. oo Ciidanka Booliska ee AMISOM u aheyd Goob ay ku daweeyaan dadka bukaan socodka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Hogaanka AMISOM ee  Soomaaliya kala wareegay Xaruntaas oo in muddo ah ay ku shaqeynayeen.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Finish ayaa la wareegay matooro Casri ah oo Xarunta O.P.D. loogu adeegi jiray.

Munaasabadda Maamulka Gobolka Banaadir uu kula wareegayay Xarunta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska iyo sidoo kale Saraakiil kale oo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media