Maamulka G/Banaadir & Midowga Yurub oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midowga yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez,isla markaana Ujeedka kualnaka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo midowga Yurub .

Masuuliyiintan labada dhinac ayaa waxa yabihii aad uga wada hadleen waxaa kamid ahaa fulinta mashaariic lagu horumarinaayo adeegyada aas aasiga ah ee laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka Banaadir si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada ay u baahan yihiin, shaqa Abuurka dhallinyarada iyo arimaha laxariira maareenta dadka barakacayaasha waxaana kulankani goob jog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Safiirka midowga yurub ee Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa kormeeray waxaaha kala duwan ee dowlada hoose iyagoo u kuur galaaya shaqooyinka kala duwan ee maalinlaha ah oo ay dowlada hoose Xamar u qabato bulshada Caasimadda waxeyna maasuuliyiinta kormeerka sameynayay ku dhiiragalinayeen in si hufan shacabka loogu qidmeeyo, sidoo kale madaxda ayaa kormeeray hoolka shirarka oo dayactir lagu sameeyay kadib qaraxii 24-July ay argagixisada ka geesteen xarunta gobolka Banaadir.

Safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez waxa uu ka hadlay doorka midowga yurub uga aadan horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kawarbixiyay waxyaahibiiha ay kawada hadleen madaxda midowga yurub ee Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media