Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Booliska oo ka shiray amniga Muqdisho

Waxaa xalay Xarunta Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir lagu qabtay kualn looga hadlaayay amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir gudoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla markaana ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko iyo Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowladda.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta hawlaha Amniga Caasimadda,isla markaana waxaa Guddiga kormeerka laga dhageystay warbixinta 24kii saac ee lasoo dhaafay.

“Waxaan xalay yeelanay shirkii habeenlaha ahaa ee amniga Caasimadda kaas oo aan habeen walba uga hadalno dardargelinta hawlaha Amniga Caasimadda iyadoo guddiga kormeerka aan ka dhagaysanay warbixinta 24kii saac ee lasoo dhaafay”ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media