Maamulka Dhuusamareeb oo shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyeyaal

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qarow ayaa Maanta waxaa uu shaqada ka joojiyay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Dhuusamareeb.

Xubnaha shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ay Guddoomiyeyaal ka ahaayeen xaafadaha Dayax, Horseeed iyo Hodan oo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Talaabadan ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii dadka degan xaafadaha ay cabasho u gudbiyeen maamulka Dhuusamareeb, iyagoona ka cabanayay in dhibaatooyin ka jira xaafadaha oo ay wax ka qaban waayeen Guddoomiyeyaasha shaqada laga joojiyay.

Maamulka Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah, isla markaana ay ka shaqeyn doono xasiloonida xaafadaha Dhuusamareeeb.

Guddoomiyeyaasha Maanta shaqada laga joojiyay ayaa  kal horey magacaabay hogaankii Ahlusunna Waljameeca ee laga saaray Caasimadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media