Maamulka Dhuusamareeb oo balan qaad u sameeyay Bulsho deegaan

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada GalMudug ayna wehliyaan Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ee Heer degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu horeeyey ee Maamulka Cusub ku gaaro meel ka baxsan Magaalada Dhusamareb ku tagey Deegaanka Ceel-dheere oo ka mid ah  deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb .

Kormeerkan ayaa la xiriira sidii loo hagaajin lahaa Maamulka deegaankaasi iyadoo wadatashi mug leh lala sameynayo Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada .

Xubnaha maamulka waxaa deegaanka Ceel-dheere Ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Deegaanka , Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo kaga xog waramey guud ahaan culeesyada wax ka qabashada u baahan waxaana goobtaasi ugu horeyn ka hadley Guddoomiyaha Ceel-dheere C/llaahi  C/raxmaan Raage  iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka

Dhamme Burhaan Axmed Rooble Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo isna Goobta ka Hadley ayaa Bulshada Deegaanka u diray Fariin Amniga la xiriirta, isagoo ka dalbadey Shacabku in uu la shaqeeyo  laamaha Amaanka .

C/casiis Aadan Afrax Xoghayaha Maamulka Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Caasimada Galmudug Macalin C/raxmaan Cali  Maxamed Geeda-qorow ayaa ugu dambeyn la hadley Bulshada Deegaanka Ceel-dheere waxa ayna u balan qaadeen inay ka shaqayn doonaa Horumarka Deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media