Maamulka Dekedda Muqdisho oo ka hadlay Markab shixnad Sonkor waday oo dhawaan ku soo xirtay Dekedda

Madaxda Dekedda iyo Ganacstadda uu u raran yahay Markabkaasi waxay sheegeen inuu Dekedda Muqdisho ku xoo xirtay Markab weyn oo ay saaran tahay 40,000 oo Tan oo Sonkor Nadiif ah.

Madaxda Dekedda Mudqisho iyo Saraakiisha Qeybta qaabilsan Kontoroolka Tayada  badeecadaha ee Dekeddaasi oo la hadlay Warbaahinta waxay si kulul u beeniyeen warar ay qaar ka mid ah Websaytyadda soo daabaceen, kuna sheegeen in Markab wada Sonkor  xumaatay ku soo xirtay Dekedda Weyn ee magaalladda Muqdisho.

Madaxdaasi waxay xuseen inay  Sonkortaasi oo Tayo wanaagsan leh, laga keenay dalalka Khaliijka, isla markaana ay tahay Badeecad la hubiyey, oo waafaqsan Nidaamka Caalamiga ee Tayada Sonkorta.

Madaxdu waxay Warbaahinta la wadaageen inaysan faraha la gelin karin Khilaafka iyo Loolanka Ganacsi ee u dhexeeya Ganacsatadda Shixnadaha Sonkorta ka soo degsada Dekeddaha waa weyn ee dalkeenna, gaar ahaan Dekedda weyn ee Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Wasaarada Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federalka ayaa sheegtay in tayada badeecadaas la hubiyey

Si kastaba ha ahaatee, mar aan booqanay Dekedda Muqdisho waxay Hawlwadeennadda inoo sheegeen in Markab kale oo shixnad sonkor ku raran tahay uu taagan yahay Badda meel ka baxsan Dekedda Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media