Maamulka degmada Afgooye oo kasoo horjeestay ka qayb galka tar-tanka degmooyinka G/Banaadir

Maamulka Degmada Afgooye ayaa kasoo horjeestay in ay qayb ka noqdaan tar-tanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo sanadkaan lagu soo daray Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka ayaa sheegay in aysan ka qayb gali doonin tar-tanka lagu soo daray saandkaan ee degmooyinka Gobolka banaadir, waxaana sidoo kale sanadkaan laguu soo daary degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha sdhexe, balse wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Bal-cad oo ku aaddan tar-tanka Degmooyinka Gobolka Bnaaadir  ee ay qaybta ka yihiin sanadkaan.

Waxaana maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay in aysan marnaba qayb ka noqon doonin tartanka, isagoo ciyaartooyda iyo dhammaan mas’uuliyiinta ciyaaarha Afgooye ugu baaqay in aysan dhageysan dalabka ka imaanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Ciyaaraha dalka.

Xaflad Qori tuur ahayd oo ka dhacday Xalay muqdisho ayaa lagu sameeyay isku aadka degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay qayb ka ahaayeen isku aadka Degmooyinka Bal-cad iyo ASfgooye oo Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ka kala tirsan, waxaana xafladda ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka kubadda cagta Soomaal;iyeed iyo sidoo kale Cayaartooy horay usoo matalay xulka qaranka Somaaliyed, kuwaas oo xalay lagu casuumay xafladda isku aadka degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Comments
Loading...