Maamulka Cusub ee Itoobiya u sameysay Tigree-ga oo shaqada la wareegay

Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee dowladda Federaalka Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray Dr. Mulu Nega ayaa la wareegay shaqada cusub ee loo magacaabay.

Dr. Mulu Nega ayaa ugu yeeray shaqaalaha dowlada ee xafiisyada ka maqnaa ilaa afarta bishii idlaatay ee November markaas oo dagaalka dowlada Itoobiya iyo TPLF uu bilowday inay yimaadaan shaqada maalinka isniinta bari ah .

Dr. Mulu Nega  ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u hubeynta maamulka iyo soo celinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulsho u baahan oo inta badan istaagay tan iyo markii uu bilawday dagaalka ciidamada Itoobiya iyo xisbiga TPLF.

Dr. Mulu Nega ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidanka xisbiga TPLF inay hubka dhigaan ilaa 15-ka bishaan December oo ku beegan talaadada soo aadan.

Baaritaanada lagu samaynayo guryaha si loo hubinayo hubka sharci darada ah ayuu sheegay in la sii wadayo, iyadoo cidi lagu helana la marin doono sharciga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media