Maamulka Ahlu Sunna oo Xiray Idaacada Radio Galgaduud, Amarro Culusna Dul dhigay Warbaahinta Madaxa Banaan ee howlgasha Guriceel

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) waxa ay cambaareynayaa tallaabadii ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel ay ku xireen Idaacada Radio Galgaduud qeybteeda magaalada Guriceel maanta oo Isniinta, 18 May, 2015.

Ciidamo uu wato taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ee degmada Guriceel, Gallad Maxamuud Qeyliye  ayaa xoog ku galay dhismaha idaacadda, isla markaana amray in la demiyo idaacadda, kala direyna shaqaalihii ka shaqeynayay goobta.

“Ciidamada Ahlu Sunna ayaa xoog ku galay idaacadda, waxa ayna amreen in la hawada laga saaro,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Radio Galgaduud, Cabdifatax Xasan Faarax oo NUSOJ u waramayay,  “Marnaba kama gorgortameyno madaxbanaanideena iyo hadafkii idaacadda loo furay inay si dhex dhexaad ah ugu shaqeyso shacabka Soomaaliyeed”  ayuu ku daray agaasimuhu.

Agaasime Cabdifitax ayaa intaasi ku daray in Idaacadda Radio Muqdisho ay heshiis kula jireen, ayna tebin jireen labo saacadood maalintii.

Daminta idaacada ayaa timid kadib markii maamulka Ahlu Sunna uu dul dhigay amaro culus warbaahinta Radio Galgaduud oo ay ka mid yihiin;

1.       In la joojiyo tebinta dhamaan wararka la xiriira Shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Cadaado.

2.       In La joojiyo dhamaan wararka dowladda Federalka

3.       In la joojiyo sii Tebinta Idaacada Dowladda ee Radio Muqdisho

4.       In si gaar ah wararkooda loo tebiyo (buunbuuniyo)

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay talaabadaasi lagu xiray idaacada kuna tilmaamay mid lagu caburinayo madaxbanaanida warbaahinta, lagu horjoogsanayo xaqa ay dadku u leeyihiin inay helaan warar madax banaan, isla markaana ugu baaqeysa maamulka Ahlu Sunna inay si bilaa shuruud ah loogu ogolaado idaacadda inay shaqadeeda dib u bilowdo, kana madax banaanaato faragelin nuuc walba oo ay ahaataba.

“Waa wax laga xumaado in idaacada radio Galgaduud albaabada la isugu dhufto, ka urur ahaana waan cambaareynaa gabood falkaas ka dhanka ah xorriyadda warbaahinta, loogana gol leeyahay in lagu horjoogsado xaqa shacabku u leeyihiin inay helaan warar madax banaan” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Md. Maxamed Ibrahim, “Waxaana ugu baaqeynaa maamulka Ahlu Sunna inay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu ogolaadaan inay idaacada dib u howlgasho, xurmeeyaana xorriyadda warbaahinta iyo xuquuqaadka kale ee uu dastuurku siinayo.”

NUSOJ ayaa soo dhoweysay sii deynta agaasime ku xigeenka Idaacadda Galgaduud, C/qaadir Barre Guure oo habeenimadii Xalay, 17 May, 2015, ciidanka maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel xabsiga dhigeen.

<Dhamaad>

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor