Maamulaha Twitter oo ka hadlay tallaaabda Trump looga Mamnuucay Twitter-ka

Maamulaha Twitter Jack Dorsey ayaa sheegay in mamnuucitaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ahayd wax sax ah.

Si kastaba, wuxuu murugo ka muujiyay “cawaaqibta aan caadiga ahayn” ee ka dhalan karta in Mr Trump gebi ahaanba laga mamnuuco bartaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mamnuucitaanka uu qeyb ka ahaa guuldarrada Twitter-ka, oo aan in ku filan ka sameyn in “wada sheekeysi caafimaad qaba” lagu wadaago bartaas.

Twitter-ka waa lagu ammaanay waana lagu cambaareeyay xiritaanka akoonka Mr Trump.

 

Comments
Loading...