Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo ka hadlay qaraxii Maanta ee Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka daahsoon gaar ahaan wadada aada dhinaca xabsigii hore ee Godka Jilacoow ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

War-saaxafeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qornaa sidan:-

Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha DGGM iyo kan shicbiga Galmudug, waxaan ka tacsiyeeynayaa guud ahaan dadkii ku dhintay qarixii saaka ka dhacay Muqdisho.

Si gaar ah waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirayaa Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horay u soo noqday xildhibaan, iyo wasiiirka dhowr wasaaradood.

Janatul fardawsa Alle ha ku casuumo, Dhamaateena Samir iyo iimaan suuban Alle ha innaga wada siiyo.
Aamiin.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media