Maamul Goboleedkii labaad oo Maanta la gaarsiiyay tallaalka COVID-19

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Goor dhow ka degtay diyaarad sidday tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dhawaan soo gaaray dalka.

Diyaaradaan ayaa tallaalka Cudurka COVID-19 ee Aster-zeneca ka qaaday Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kula wareegay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka Maamulka ayaa sheegay in dhawaan deegaanada Jubbaland si rasmi ah looga bilaabi doono qaadashada tallaalka, xili halkaas laga diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo ah Cudurka COVID-19.

Tallaalka ee Aster-zeneca ayaa todobaadkii hore la keenay Caasimadda dalka, waxaana lagu bilaabay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo iyo Wasiirka Caafimaadka, iyadoona ay qaateen Mas’uuliyiin badan iyo xubno kale.

Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii labaad ee la gaarsiiyay tallaalka Cudurka COVID-19, waxaana dowladda Federaalka ay horey u gaarsiisay Puntland, iyadoona tallaalka laga bilaabayo halkaas maalmaha soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor