Maamul Cusub oo loo magacaabay Deegaan Xebeedka Jasiira

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku Magacaabay Maamulka cusub ee deegaan Xebeedka  Jasiira.

Guddomiyaha  ayaa Cismaan Maxamed Nuur u  magacaabay Guddoomiyaha Deegaanka Jasiira, halka Guddoomiye ku xigeenada Maamulka iyo Maaliyadda uu u magacaabay Xuseen Jilacow Maxamuud, waxaana Maxamed Shuqaale Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor