Iyadoo Caalamka maanta laga xusayo Maalinta Mamnuucista Sigaarka “World No Tobacco Day”ayaa waxaa sii kordhayo dadka sigaarka ku dhex caba Xafiisyadda, Gaadiidka iyo goobaha kale ee ay Bulshadda isugu yimaadaan.
Dowladda Shiinaha waxay ka fekeraysaa sidii mamnuucid xooggan loogu soo ogi lahaa Sigaar-cabayaasha ku nool dalkaasi.
Sharci cusub ayaana soo baxay oo lagu ciqaabayo dadka sigaarka ku dhex caba goobaha ay isugu yimaadaan bulshadda.
Qof kasta oo lagu helo isagoo jebinayo Sharciga lagu mamnuucayo in sigaar lagu dhex cabo Caasimadda dalkaasi ee Pejing waxa uu muteysan doonaa ganaax lacageed iyo xabsi.
Qofkii lagu helo isagoo sigaar ku cabayo agagaarka Isbitaalladda iyo Dugsiyadda waxa uu bixin doonaa ganaax dhan lacag dhan $ 32.25 Dollar oo u dhiganta 200 Yuan (Lacagta Shiinaha).
Sidoo kale, Ganacsadihii lagu hela inuu Macaamiisha u diid waaya inay sigaar ku dhex cabaan goobaha ganacsiga waxaa la ganaaxayaa lacag dhan 10,000 oo Yuan.
Warbaahinta Dowladda Shiinaha oo laga akhriyey Sharciga Cusub ee lagu mamnuucayo Sigaarka ayaa waxaa kaloo lagu muujiyey inaan Dukaamadda lagu iibiyo Sigaarka laga furi karin hareeraha Dugsiyadda iyo Xarumaha Xannaanadda Carruurta, waxaana la amray in meel 100 mitir u jirta goobaha Waxbarashadda laga furan karo goobaha lagu iibiyo Sigaarka.
Waddanka Shiinaha, cabista sigaarka waa khatar weyn oo dhinaca caaimaadka, iyadoo ay 300 million oo qof cabaan sigaarka.
Bishii la soo dhaafay, Barlamaanka Shiinaha waxay ansixiyeen Sharci lagu mamnuucayo Sigaarka iyo Tubaakadda in lagu xayeysiiyo goobah ay dadka isugu yimaadaan, gaadiidka iyo Warbaahinta.
Magaallooyin badan oo Shiinaha, ayaa horey looga mamnuucay in sigaarka lagu cabo goobaha furan ee ay dadweynaha isugu yimaadaan, waxaana sigaarka lagu soo rogay canshuur adag.
WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.