Ma dhabbaa in hub lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda?

Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga hub lagala baxay ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in hub lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhiga, isagoona xusay in wararkaas ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.

Isaga oo sii hadlaayay Gen. Maxamed Cali Bariise ayuu ugu baaqay dadkii faafiyay wararkaaas beenta ah inay joojiyan, isla markaana ay iska daayaan faafinta wararka aan ku habooneyn in laga sheego Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Ugu dambeyntii Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Ciidanka Xooga haatan ay u taagan yihiin ilaalinta kaaramada, Qiyamka iyo Midnimada Umadda Soomaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media