Ma dhabbaa in Askari Mareykan ah lagu dilay Weerar ka dhacay Gobolka Sh/Hoose?

Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in xalay ay duqyan ka gaysteen degaanka Daarasalaam ee u dhow magaalada Awdheegle, iyaga oo gacan siinayey cidiamada Soomaalida oo ay soo weerareen Al-Shabaab.

Maraykanku faah-faahin kama bixin khasaaraha ay duqyantaasi gaysatay, hase yeeshee waxay sheegeen in dhammaan askartii Maraykanka oo taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba.

Al-Shabab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media