Luuqadda Hindiga oo ka mid noqotay Luqadaha looga hadli doono Maxkamadaha Imaaraadka

Kadib, Luqadaha Carabiga iyo Englishka, magaalladda Dubai waxay luqadda Hindida ka dhigtay Luqadda 3-aad ee sida rasmiga loogu isticmaalayo Maxkamadaha ku yaalla Dubai.

Waaxda Garsoorka ee magaalladda Dubai ayaa sheegtay inay kordhisay Luqadaha lagu soo qori karo Dacwadaha loo soo gudbinayo Maxkamadaha, iyadoo Luqadda Hindiga ka mid noqotay Luqadaaha  lagu soo qori karo Dacwadaha, oo ay ku jiraan Kiisaska dhinaca Shaqada iyo Shaqaalaha.

 Arrintaasi ayaa la sheegay in lagu taageerayo dadka Hindida si ay u bartaan dhacdooyinka Maxkamadaha, Xuquuqdooa iyo Waajibaadkooda, iyadoo aysan jirin xayiraad dhinaca Luqadda.

Tirada Guud ee Jaalliyadda Hidnida ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta waxaa lagu qiyaasay 2.8  million oo qof, waana jaalliyadda ugu ballaaran ee ku nool dalkaasi.

Dhinaca kale,  Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha dalka Imaaaraadka, ahna Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada ee daalka Imaaaradka Carabta, Sheekh Mansuur Bin Zaayid Al-nahyaani ayaa la sheegay inuu bixiyey amarka Ballaarinta Luqadaha sida rasmiga loogu adeegsan karo dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, bishii November ee sannadkii hore ayey Dowladda Imaaraadka Craabta waxay ansixisay in Luqadda English-ka tahay Luqadda 2-aad ee dalkaasi, iyadoo dadka Ajaaniibta loo oggolaaday inay Dukumentiyadooda ku aadan Kiisaska Maddaniga iyo Ganacsiga ku qoran karaan Luqadda Englishka,

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media