• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

LAYAAB: Cristiano Ronaldo oo mucjiso ka sameeyay mareegta Youtube iyo Leo Messi oo lagu maadsaday

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 22, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
LAYAAB: Cristiano Ronaldo oo mucjiso ka sameeyay mareegta Youtube iyo Leo Messi oo lagu maadsaday
31
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Cristiano Ronaldo, xiddiga kubadda cagta caalamiga ah ee dalka Portugal, ayaa si rasmi ah u daah furay kanaalkiisa YouTube-ka oo loogu magac daray “UR Cristiano.” Daahfurka ayaa noqday mid mucjiso ah, iyadoo malaayiin qof ay iska diiwaan geliyeen saacado gudahood, kuwaasoo si toos ah ugu biiray dadka taageera halyeyga kubadda cagta reer Portugal CR7.

Ronaldo ayaa kanaalka “UR Cristiano” ku soo bandhigay 19 muuqaal oo gaar ah, kuwaasoo badankoodu ka hadlayaan noloshiisa gaarka ah iyo tan qoyskiisa. Waxay ahayd arrin la yaab leh in 16.9 milyan oo qof ay kusoo biiraan kanaalka 17 saacadood gudaheed. Tani waxay keentay in saxaafadda caalamka ay si weyn u hadal heyso mucjisada uu Ronaldo ka sameeyay mareegta YouTube-ka.

Mucjisadaas ayaa noqotay mid ay dadku si weyn uga hadlayaan, gaar ahaan marka la eego isbarbardhiga loo sameeyay Ronaldo iyo xiddiga kale ee caanka ah ee Lionel Messi.

Waxaa si weyn loogu maadsaday Messi, kaasi oo ah ciyaaryahan weyn oo la xifaaltama Ronaldo, waxaana ay ku qaadatay 18 sano inuu gaaro 2.3 milyan oo taageerayaal ah, halka Ronaldo uu ku gaaray hal saac gudaheed. Tani waxay mar kale adkeysay kaalinta uu Ronaldo ku leeyahay dunida ciyaaraha iyo baraha bulshada.

Cristiano Ronaldo, oo aan ku koobneyn kubadda cagta kaliya, ayaa ah hantiile haysta hoteello, jaziirado gaar ah, maraakiib iyo diyaaradahooda gaarka ah. Ku biiristiisa YouTube-ka waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay qorshihiisa ballaaran ee uu ku horumarinaayo magaca iyo sumcaddiisa dunida digitalka.

Ronaldo ma aha kaliya ciyaaryahan, balse sidoo kale waa shakhsi caanka ah oo ah kan ugu taageeraha badan mareegta Instagram, halkaas oo uu ku leeyahay in ka badan 600 milyan oo raacayaal ah (Followers). Waxaa la rumeysan yahay in adeegsiga baraha bulshada ee noocan oo kale ah ay qeyb weyn ka yihiin ilaha dhaqaalaha ee Ronaldo, iyadoo shirkado waaweyn ay malaayiin doolar ku bixiyaan in uu ka furto kanaallo ama akoonnada baraha bulshada, maadaama uu leeyahay taageereyaal aad u fara badan oo dunida daafaheeda ku nool.

Ronaldo ayaa hadda u muuqda astaan caalami ah oo isbeddelka cusub ee teknoolojiyadda la jaanqaaday, waxaana uu muujiyay inuu yahay hoggaamiye ka dhisan dhinac walba, haddii ay tahay ciyaaraha, ganacsiga ama baraha bulshada. Waxaana la filayaa in kanaalka “UR Cristiano” uu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu caansan YouTube-ka, isagoo taageereyaashiisa u sahlaya inay la socdaan noloshiisa gaarka ah iyo hawlihiisa kala duwan.

Xuquuqda Qoraalka Radio Dalsan

Previous Post

Dhimasho iyo dhaawac ka dhacay Dagaal Culus oo Ka Socda Shabeelaha Hoose

Next Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 22/08/2024

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Next Post
Ingiiriska oo fariin hanjabaad u dirau Ruushka, xili weli ay taagan tahay xiisada Ukraine

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 22/08/2024

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

by Liban
May 12, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – A contingent of Somali pilgrims has arrived in the Kingdom of Saudi Arabia to perform the Hajj...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr....

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda...

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya ayaa si nabad ah u gaaray dalka Sucuudiga, halkaas oo...

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi
English News

Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote
English News

After Floods, a New Tide? Somalia's Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
  • Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
  • 11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00