Lammaane lagu soo eedeeyay iibinta sirta nukliyeerka waddankooda oo dacwad lagu oogay

Injineer dhanka nukliyeer ah oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay isku dayeen inay sirta nukliyeerka ka iibiyaan waxa ay u maleeyeen inay yihiin dowlad shisheeye.

Jonathan Toebbe iyo xaaskiisa Diana ayaa lagu xiray xabsi ku yaala West Virginia Sabtidii, sida ay waaxda caddaaladda ku dhawaaqday.

Waxaa la sheegay inay isku dayeen inay ka iibiyaan xogta naqshadaynta maraakiibta badda hoosteeda ee nukliyeerka, oo lagu dhex qariyey sanduuq.

Qof ay u maleeyeen inuu matalayo waddan kale ayey doonayeen inay xogta ka iibiyaan balse waxay ahayd wakiil FBI-da ka tirsan oo qarisay xogteeda iskana dhigaysay qof matalaya waddan kale.

Sida lagu sheegay bayaanka, Mr Toebbe iyo xaaskiisa ayaa hadda lagu soo oogay dacwad ah inay jabiyeen xeerkaAtomic Energy Act.

Mr Toebbe wuxuu ka soo shaqeeyay barnaamij lagu dabagalayo nukliyeerka ee Ciidanka Badda Mareykanka wuxuuna haystay oggolaansho xagga amniga qaranka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor