Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay.
Munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud, halkaas oo ay isugu soo baxeen masuuliyiin heer sare ah, oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka, kan degmada Baydhabo, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka, agaasimiyeyaasha hay’adaha dowladeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Soo dhaweyntan ayaa u muuqatay mid dhoollatus ah, iyadoo lagu muujinayay taageerada ay Itoobiya siiso maamulka Koonfur Galbeed. Dhoollatuskaas oo ay ka qeyb qaateen ciidamo iyo dadweyne faro badan.
Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo xiisadaha dhawaanahan taagnaa. Gaar ahaan, wuxuu taageero buuxda u muujiyay xildhibaannada laga soo doortay Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhawaan ka hor yimid heshiiska Masar iyo Soomaaliya, isaga oo ku adkeystay in aysan aqbali karin in dalkooda lagu lug yeelo dagaallo aysan sabab u ahayn.
“Midnimada iyo dawladnimada federaalka Soomaaliyeed, waxay ka bilaabataa Koonfur Galbeed, kuna dhammaan doontaa halkaas. Haddii midnimada la diido, cid iyo qabiil qabiil u haysta midnimada ma jiro,” ayuu yiri Laftagareen, isaga oo si gaar ah uga hadlayay muhiimadda ay leedahay wadajirku. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in xildhibaannada Koonfur Galbeed aysan qabiil ku matalin xasaanaddooda, balse ay yihiin wakiillo ay shacabka deegaannadaasi soo doorteen si ay dantooda u difaacaan.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in cid gaar ah oo sheegan karta shahaado wadaniyad aysan jirin. Wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada deegaanadaasi matala ay yihiin codka shacabka oo aysan cid kale matalin.
Taasi oo caddeyn u ah in Laftagareen iyo Xildhibaanadii dhawaan hadlay ay Itoobiya taageerayaan, ayna kasoo horjeedaan dowladda Masar.