Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed. Lafta Gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeybgalayay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Markii uu wafdiga madaxweynaha soo gaaray garoonka diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee Baydhabo, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaanno, guddoomiyaha degmada Baydhabo, saraakiisha laamaha amniga, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la xusay in ay horay uga baxeen qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada, sida madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sida wararku sheegayaan, madaxda ayaa isku fahmi waayay arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, taas oo sababtay inuu shirku galo xaalad cakiran.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa habeenkii xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu fashil ku dhamaaday, isagoo tilmaamay in aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay. Shirkan ayaa hadda la aaminsan yahay inuu waayay fursaddii lagu gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo dhab ah.