Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee saaxiibada Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii 27-kii May laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada.
Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Wakiilada Beesha Caalamka ee uu la kulmay kala hadlay mashaariicda hormarineed ee ka socda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaday, iyada oo maanta Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta kala hadlay fulinta heshiiskii doorashada, iyagoona maalmo kahor la kulmay Madaxweynaha Puntland.