Lafta-gareen “Musharraxiinta is hubeynaya waxaan ula dagaallamaynaa sida Al-Shabaab”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen” ayaa si kulul uga hadlay dad uu ku sheegay musharraxiin xilal raadinaya oo is hubeynaya.

Laftagareen oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirrigelinayay ciidamada qalabka sida – oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo – ayaa sheegay in wali ay taallo shaqo badan oo ku aaddan xaqiijinta amaanka.

“Annagoo awalba amniga sugnay ayaa waxaan u baahan nahay in labada gacmoodba lagu shaqeeyo, oo gacanna amniga lagu sugo, shabaab meesha uu joogo looga daba tago, gacanna amniga magaalada lagu sugo, maadaama dad badan ay imaanayaan oo aan aaminsan nahay inay kusoo dhuumaMadaxweyne Laftagreen ayaa halkaas ka sheegay in siyaasiyiinta qaarood “ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada”. Ma u sheegin magacyada siyaasiintaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

Madaxweyne Laftagreen ayaa halkaas ka sheegay in siyaasiyiinta qaarood “ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada”. Ma u sheegin magacyada siyaasiintaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor