Lafta-gareen iyo Maamulka Xudur oo ka shiray furista Jidad ay xireen Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Maamulka degmada Xudur.

Maamulka Xudur oo uu horkacayey Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey xaalada degmada Dhinacyada Amniga,  Caafimaadka, Waxbarashada iyo dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulka degmada Xudur uga mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen iyo Warbixinta ay ka siiyeen Xaalada Degmada.

“Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa Shaqada aad uhaysaan shacabka reer Xudur Socdaalkayga Xudur waa mid shaqo oo aan ugu kuura-galayo Xaalada Degmada, Amniga Gobolka Bakool waa muhiim in si Wadajir ah looga wada shaqeeyo, dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Wuxuu intaas kusii daray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen “Waa inaan si wadajir ah aan ugu shaqaynaa sidii aan uga dulqaadi lahayn Al-shabaab shacabka, kan dowlad ahaan waxaan wadnaa qorshe la’isugu furaayo Waddooyinka degmooyinka Xudur iyo Waajid iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Ddowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku suganyahay Degmada Xudur waxa uu kulan la qaadan doona qeybaha kala Duwan Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor