• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Lacag la sheegay in Forex ka lunsadeen Muwaadiniin Somaliyeed oo la shaaciyay

Bilan Media by Bilan Media
March 22, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ku Dhowaad $200 Milyan ayaa waxaa la sheegay in laga lunsaday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalgashi ku sameeystay Shirkado ka shaqeeya Sarrifka lacagaha (Forex trading).

Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo inay khasaareen.

In ka badan 10 kooxood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay inay musallafeen, waxayna kooxahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.

Madaxda kooxahan ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr goor muwaadiniinta uga digay inay la gashtaan Forex, isaga oo caddeeyay in kooxahan aysan ahayn shirkado sarrif ka shaqeeya, isla markaana aysan ogolaansho ka heysan Bangiga Dhexe. Digniinta ayaa waxaa la socday wacyi gelin ballaaran oo Bangiga Dhexe ku sharraxay dhibaatada uu mashruucaan u geysan karo bulsahda Soomaaliyeed and xasiloonida habmaaliyadeedka dalka, taas oo la aaminsan yahay inay yareysay khasaarihii ay kooxahan geysan lahaayeen.

Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Shirkada Hubaal, oo ay maalgashadayaasheedu gaarayaa 2,000 ayaa farriintan Boggeeda Facebook-ga soo dhigtay kadib markii ay xaruntooda ku xoomeen dad faa’ida ka doontay oo ku hungoobay:
“Macaamiisha aan qaadan faa’iidoyin 29ka february iyo 5ta march, waxay qaadan doonan 2 bil ka dib. Macaamiisha qaatay faa’iidoyinka 10,15,20,25 february waxay faa’idoyinka qaadan doonan sadex bil ka dib insha ALLAH. Faa’iidada la qaadan doonana waxay noqon doontaa 100% haduu ALLE idmo”.

Previous Post

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Taliyihii Booliska Afgooye

Next Post

Xaaska Jilaa Caan ah oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Xaaska Jilaa Caan ah oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00