Waxaa Goordhow soo geba gaboobay tirinta Codadka ay kala heleen Saddex Musharax oo u tartamayay doorashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland,kuwaas oo u soo gudbay wareega labaad ee doorashada.
Musharixiinta wareega labaad ku tartamay ayaa waxa ay codadka u kala heleen.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa 34 Cod
1: Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa helay 23 Cod
Halka  Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa helay 9 Cod
Ugu dambeyn waxaa wareega Saddexaad ee doorashada u gudbay oo tartami doona Musarixiinta kala ah.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash
Iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)
Waxaa Goordhow bilaaban doona wareega Saddexaad ee codeynta doorashada,waxaana Goobta ku sugan Xildhibaanada Puntland,Wafdi ka socda IGAD iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.