Laba Diyaaradood uu leeyahay Imaaraadka oo goordhow ka degay Garoonka Magalada Hargeysa

Wararka nagasoo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaaladaas ay ka dageen laba Diayaradood oo ah nooca Helicopterka.

Diyaaradahaas ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in ay sidaan raashin gargaar ah oo loogu talo galay dadkii uu saameeyey roobkii duufaanta watay ee ka da’ay deegaano ka mid ah Maamulka Soomaaliland.

Diyaaradahaan gargaarka sida ayaa waxaa la sheegay in ay ka yimaadeen Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta oo bilihii u dambeysay xiriir fiican la leh maamulka Soomaaliland.

Isla manta ayaa la ilayaa in raashinkaas la gaarsiiyo dadkii uu saameeyey roobkii duufaanta watay,waxana raashinkaas sii qaadi doona Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media