Laba Ruux oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha dhexe & faah faahin ka soo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba ruux oo shacab ahaa,kuwaasi oo  lagu dilay Duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dilkaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay deegaano lagu magacaabo lahelow oo hoostaga Degmada Warsheekh,isla markaana raga la dilay ay ahaayeen labo ruux oo xoolo dhaqato,kana mid ahaan dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka lahelow oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xiliga la dilayay  ragaan ay kusii jeedeen goob ay ka doonanayeen xoolo,kadib waxaa wadada u galay kooxo hubeysan ,sidaasina ay ku dileen.

Wararka saakay naga soo gaaraya Deegaanka lehelow ee Duleedka Warsheekh ayaa waxa ay sheegayan in xaaladda ay mid degan.

Sidoo kale warar hoose oo aan heleyno ayaa tilmaamaya in labada ruux loo dilay aano Qabiil,waxaana dadka deegaanka lagu soo waramayan in ay soo wajahday xabsi xoogan.

Meydadka raga la dilay ayaa waxaa xalay loo soo qaaday Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe si halkaasi loogu Aaso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor