Laascaanood oo Madaafiic lagu garaacay iyo Khasaare ka dhashay

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqaymo culus oo xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo maal mahaan ay dagaallo Culus ka socdeen.

Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa la sheegay in Xalay qaybo ka mid ah Magaalada ay ku garaaceen madaafiic,kuwaasi oo sababay inay holcaan qaybo ka  mid ah Magaalada.

Duqeymahii xalay ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa ku jirta Xaalad aad u cakiran waxaana ku dhawaad 10 maalmood oo xiriir ah dagaal isla horfadhiya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka,waxaana sidoo kale isi-soo taraya xoogaysiga SSC.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor