Laamaha amniga oo soo bandhigay Ciyaal weero dadka shacabka ah dhibaateyn jiray

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa saacadiihii lasoo dhaafay waxaa ay Howlgallo Culus ka fuliyeen degmooyinka ka tirsdan Gobolka Banaadir, waxaana howlgaladu ay haayen kuwo laguladagaalamayay kooxo Ciyaal weeero ah oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool.

Howgallada ayaa lagu soo qabtay Ciyaar weero iyo hub ay u adeegdsan jireen dhibaataynta dadka shacabka ah, iyadoo Howlgalladu ay ka dhaceen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Howlgaladii Xalay ay kusoo qabteen Ciyaal weero aad u farabadan iyo hub kala duwan oo ay wateen, waxaana hubka lasoo qabtay ka mid ah waxyaabaha gacan qabsiga ah ee ay dadka ku dhibaatayn jireen, sida Toorreyo iyo Baangado, kuwaasi oo Warbaahinta lasoo Bandhigay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay xalay gacanta ku dhigeen tiradii ugu badnayd ee Ciyaal Weero ah ah, kuwaasi oo uu ku sheegay 74 ruux, sidoo kale waxaa uu sheegay in middiyo gaaray 50 xabbo ay soo qabteen.

Waxaa uu digniin Culus u diray shaqsiyaadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah oo ciyaal weerado ay ugu horreeyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor