Laamaha amniga oo Qarax fashiliyay iyo Nin la qabtay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ay fashiliyeen Qarax nooca Miinada oo lagu aasay gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Dowladda Captain Saciid Doodishe ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas Miinada ee lagu aasay Balcad la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka deegaanka degmadaas.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Nin la tuhusan yahay inuu ka dambeeyay falkaas laamaha amniga Hirshabeelle ay gacanta ku dhigeen, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa bogaadinaya Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo 12-ka Jun-2020 abaare 06:00AM fashiliyay Miino nuuca boodda ah, oo dhagar qabayaashu ku aaseen gudaha Degmada Balcad jihada waqooyi, Eedeysanihii lagu tuhmayna gacanta ayaa lagu dhigay iyadoo ay baaristu socota,hadii ay ku cadaato Cadaalada ayuu wajihi doonaa” ayuu lagu yiri Qoraalka Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Dhinaca kale Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa saakay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda ku leeyihiin Balcad, waxaana dagaalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media