Laamaha amniga oo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha u sameeyay ballan qaad ku aaddan ammaankooda

Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo falalka amini darro ee dagaalamaayaasha Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in Al-Shabab meel looga soo wada jeesto.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan xogaha ku aaddan lacaha ay ka qaadaan iyo guud ahaanba xaaladaha kusoo kordha Ganacsatada.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saameyn ku leh suuqda Magaalooyinka waa weyn ee dalka, waxaana in badan ay Saraakiisha iyo guud ahaanba laamaha amniga  ku cel-celiyeen in ay wax ka qaban dooonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor