Laacibka Maxamed Saalax oo farxad la wadaagay Taageerayaal soo buux dhaafshay Hoygiisa.

Taageerayaal fara badan ayaa waxay isugu soo urureen Hoyga Laacibka Maxamed Salaax, si ay isaga u salaamaan, isugu sawiraan iyo inay  bogaadiyaan.

Tirada Taageerayaasha ayaa la sheegay inay marba marka ka dambeysa sii kordhayeen, iyadoo Laacibku fursad u waayey inuu ka yara nafiso Mashquulkq Qulqulka Taageerayaasha.

Laacibka Maxamed Salaax oo ah Xiddiga Kooxda K/cagta Qaranka Masar iyo Kooxda Liverpool ee dalka UK waxa u uniyad wanaag iyo qaabilaad u muujiyey Taageerayaasha oo aad u buux dhaafiyey hareeraha guriga uu deggan yahay.

Balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay soo fara geliyeen, isla markaana ay Taageerayaasha ku amreen inay ka kala tagaan Hoyga Laacibka Maxamed Salaax.

Wargeysyadad dalka Britain waxay wax ka qoreen Taageerayaasha badan ee so odhaweeyey Laacibka Liverpool oo dhawaan ka soo laabtay Tartanka K/cagta Adduunka ee haatan ka socda dalak Raashiya.

Websaytka Idaacadda BBC-da waxaa lagu soo daabacay  sawiradda dibadbaxyadda ballaarnaa ee ka dhacay duleedka Hoyga Laacibkaasi.

Maxamed Salaax ayaa ah Laacib iyo Xiddig caan ka ah Caalamka, waxaana lagu xusuustaa guulihii uu Kooxda Liverpool u soo hooyey, ka hor inta uusan ku dhaawacmin Ciyaartii Kama-dambeynta ee ay Kooxda Real Madrid ugu baratameen Kooxda Europe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media