(LA-YAABKA SIYAASADDA): Madaxweyne Qaran oo xaaskiisa u magacaabay xilka Madaxweyne-ku-xigeenka.

Madaxweynaha dalka Azerbajaan, Ilham Caliyef waxa uu maanta Xaaskiisa  Mehriban Aliyeva u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, waana tallaabo uu ku xoojinayo Awoodda Qoyskiisa ku leeyihiin Talada dalkaasi hodanka ku ah Shidaalka.

Magacaabistan oo maanta lagu dhawaaqay ayaa timid, kadib, markii Isbedel lagu sameeyey Dastuurka dalkaasi sannadkii hore, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka noqonayso qofka Labaad ee ugu sareeya Talada dalkaasi.

Mehriban Aliyeva  oo 52-jir ah waxay tan iyo sannadkii 2005-tii ahayd Xildhibaan ka tirsan Xisbiga maamula dalkaasi ee Yeni Azerbejan Party.

Sannadkii 2004-tii, waxaa loo magacaabay Danjiraha Rajada Wanaagsan ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Dhaqanka, W/barashadda iyo Sayniska ee UNESCO.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media