(La-yaabka): Haweeney 106-jir ah oo magangelyo KMG laga siisay Sweden

Haweeneydaasi oo u dhalatay dalka afganistan ayaa la sheegay inay safar Tahriib ah ku soo gashay Qaaradda Europe sannadkii 2015-kii.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Bibihal Uzbeki waxaa safarkeeda ku wehliyey Wiilkeeda Curadka ah iyo Wiil ay Ayeeyo u tahay, kuwaasi oo iyagoo xambaarsan la soo maray Buuraha, Lama-degaanka iyo Hawdka.

Waxayna magan-gelyo KMG ka heleen dalka Sweden, inkastoo ay Hay’adda Muhaajiriinta ee  dalka Sweden amartay in haweeneyda da’da ah  loo masaafuriyo dalkeeda Hooyo ee Afganistan.

Balse, Maxkamadda Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalka Sweden ayaa ku gacan sayrtay go’aanka lagu masaafurin lahaa Bibihal Uzbeki oo iyadu ah Haweeney naafo ah oo aysan hadli Karin.

Wiilkeeda curudka oo lagu magacaabo Mazamed Uzbeki ayaa soo dhaweeyey go’aankaasi, wuxuuna xusay in la siiyey Fasaxa Deganaansho xadidan oo 13-bilood ah.

Waxa uu intaasi ku daray in  Magangelyada KMG ee la siiyey isaga iyo hooyadiisa uu ku ekaan doonto bisha July 19-dii ee sannadkii 2019-kii.

  1. Ustaad Nuradin

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media