Diyaarad Austrian Airline ayaa maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay waxay samaysay Duulimaadkii ugu waqtiga gaabnaa ee Caalamka, kaasi oo qaatay muddo 8 daqiiqo oo keliya.
Kooxda Shirkadaha Diyaaradaha ee The Austrian People’s Air Group ayaa bilowday Duulimaad Cusub oo isaga kala gooshi doona Xuduudka dalalka Switzerland iyo Germany.
Diyaaradda waxay u kala duulaysaa magaallada St. Gallen-Altenrhein ee dalka Switzerland ilaa magaalladda Friedrichshafen ee dalka Germany.
Waa Duulimaad lagu safrayo 20 KM oo keliya, taasi oo qaadanayso 8 daqiiqad oo keliya.
Diyaaradda waxay maalin kasta samaynaysaa 2 Duulimaad, iyadoo Tikidhka Hal socod (A one-way Ticket) ee u dhexeeya Labada Joogsi waxa uu qiimihiisu dhan yahay 40 Euro (€40).
Haddii kale, Socotada waxay gaari ku tegi karaan masaafo dhan 63 KM oo ah inta u dhexeysa Labada Garoon, iyadoo uu safarkaasi qaadan karo hal saac.
Sidoo kale, waxaa la raaci karaa Tareenka oo muddo 2 saac u kala gooshayo Labada magaallo ee ku yaalla Xuduudka Switzerland iyo Germany.
Mar sii horreysay, Duulimaadka Caalamiga ee ugu gaaban waxa uu ahaa safar qaadan jirey 10-daqiiqo.
Shirkada Diyaaradaha Australia ee ugu qiimaha jaban ee FlyNiki ayaana saamaysay Duulimaad la isaga kala gooshayey Caasimadda dalka Austria ee Vienna iyo Caasimadda dalka Slovakia ee Bratislava.
Waxaa markii hore isticmaali jirey Socotadda uu Isku-xirka Duullimaadyadoda ka imaanayo magaalladda Vienna.
©Radio Dalsan