Kuweyt oo marti-gelinayso Shirweyne Caalami oo lagu Taageerayo Nidaamka W/barashadda ee Somaalia.

Dowladda Kuwayt ayaa sheegtay inay marti-gelinayso Shirweyne deeq loogu ururinayo Dhiirigelinta W/barashadda Somalia, sidaa waxaa yiri Diplomaasi u dhashay  dalkaasi.

Danjiraha Kuweyt u jooga Xarunta dhexe ee Midowga Europe ee magaalladda Brussels, Jasiim Al-budeywi ayaa sheegay in Shirweynahaasi loo qaban doono sida ugu dhaqsaha badan, wuxuuna sheegay inay Tacliintu ka mid tahay waxyaabaha aadka u muhiimsan.

“Annaga joogna Kuweyt, waxaan rumeysanahay inay W/barashadu mid ka mid ah waxa ugu muhiimsan, haddii aysan ahaan lahayn Qalabka aadka muhiimka ah ee loogu dagaalami karo Xag-jirnimada, Argagixisadda iyo Saboolnimadda” ayuu yiri Ambassador Al-budeywi oo ka hadlay Shirkii Caalamiga ee Arrimaha Somalia ee  maalintii Talaadada ee la soo dhaafay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Brussels.

Waxa uu tilmamaay in Shirkii Brussels muhiim u ahaa Beesha Caalamka, si ay dib ugu eegaan Ballanqaadyadoodii lagu taageerayey Deganaanshaha iyo Dhaqaalaha Somalia iyo dadaalka QM ee ay ku taageerayso Wejiga KMG ee Somalia ee xilli  kasta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor