Kuuriyada Koonfureed oo heegan galisay Ciidankeeda si ay uga hortagaan Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol ayaa heegan galiyay ciidamada dalkiisa si ay si adag uga hortagaan daandaansi kasta oo kaga yimaada Kuuriyada Waqooyi. Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha cusub uu kulan la yeeshay madaxda saree e ciidamada dalkaas.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan sameysay dhowr tijaabo oo gantaallada riddada dheer iyo kuwa ridada gaagaaban, taas oo walaac gelisay Kuuriyada Koonfureed.

Yoon ayaa ololihiisii doorashada ku ballan qaaday in uu geyn doono cutubyo dheeri ah oo ka mid ah nidaamka ka hortagga gantaalaha ee Maraykanka “THAAD” waxa uuna muujiyay sida uu uga caga jiidayo in uu weeraro horudhac ah ku qaado Kuuriyada Waqooyi haddii ay jirto khatar ku soo fool leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor