kursiga Hop#004 oo Xalay lagu doortay Magaalada Baladweyne

Kursiga Hop#004 Ee degan dorashadisu tahay Baladweeyne oo ay ku tartameen ilaa iyo shan musharax ayaa ugu dambeyn waxaa ku soo baxay Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed kadib markii uu helay codad dhan 61 cod.

Tartanka kursiga oo ay ku loolameen musharixiinta kala ah

  1. Cabdi Daahir Cismaan
  2. Cabdinasir Xaaji Shirwac Maxamed.
  3. Bilan Bile Maxamed
  4. Faarax Salaad Dharaar.
  5. Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Waxaa wareegga 2aad u gudbay Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed iyo Bilan Bile Maxamed, waxaana kursiga tirsigiisuyahay yahay Hop004 ku guuleystay ugu dambeyn Mudane Cabdinaasir Xaaji Shirwac oo helay 61 cod, halka Bilan Bile Maxamed ay heshay 40 cod.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor