Kumuu noqday MW ugu horreeyay ee lagu casuumay Shirka Mareykanka & Africa?

Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Qaahira ayaa xaqiijisay inay Madaxweyne C/Fataax Elsisi gaarsiiyeen Casuumaadii u horeysay ee uu Madaxweyne Joe Biden ugu talagalay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika, si ay uga soo qeyb galaan Shirka Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Africa (The US.-Africa Leaders Summit) oo la qorsheeyey inuu Washington ka dhaco bisha December 13-da ilaa15-da ee sanadkan 2022-ka.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Qaahira ayaa lagu sheegay in Casuumaadda loo gudbiyey Madaxweynaha Masar muddadii uu Ergayga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Geeska Afrika,  Mike Hammer Kulan  la yeeshay Saraakiil Sare oo Masaari ah bishan July 25-dii.

Howl-fuliyaha Safaaradda Maraykanka ee Qaahira (Chargé d’Affaires) Nicole Shampaine ayaa la sheegay inuu soo gaarsiiyey Madaxweyne Elsisi Casuumaad ka timid Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee,  Casuumaadaasi ayaa waxay bilow u tahay Marti-qaadka Madaxweyne Joe Biden ee uu ku doonayo inuu kulan Wadareed la yeesho Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika dabayaaqada sanadkan 2022-ka, kaasi oo looga hadlayo Xoojinta Xiriirka Maraykanka la leeyahay dalalka Africa.

Dowladda Maraykanka ayaa waxay walaac xooggan ka qabtaa Galaangalka muuqda iyo saamaynta Maalgashiga ballaaran ee ay Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha ku leeyihiin inta badan dalalka Africa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor