Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ku dhibaateysan dalalka Bariga Afrika

Wargeyska USA Today ayaa waxaa uu shaaciyey inay sii kordhayaan tirada Qaxootiga ka soo barakacay dalalkooda, kuwaasi oo nolol-xumo ku haysato dalalka Caalamka.

Wargeyska waxa uu soo xigtay Warbixin ay Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga (UNHCR) oo lagu sheegay inay Qaxooti fara badan ka soo gudbayaan xuduudaha dalalka Caalamka, kuwaasi oo ka soo firxanaya Colaado iyo Abaaro ka taagan dalalkooda hooyo.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu dhan tahay 805, 978 qof ay dhibaatooyin kala soo kulmeen  Abaaraha iyo dagaalo sannooyin badan ka socday qeybo ka mid ah Somalia.

Inta badan Qaxootiga Soomaalida waxay ku nool yihiin dalalka Ethiopia, Kenya iyo Yemen, iyadoo uu dal kasta marti-geliyey in ka badan 250,000 oo Qxooti Soomaali ah.

Warbixinta Hay’adda UNHCR waxaa lagu sheegay in Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya oo loo aqoonsan yahay Xeradda Qaxootiga ee ugu ballaaran Caalamka waxaa ku nool Qaxooti diiwaan gashan iyo Magangelyo-doonayaal tiradooda dhan tahay 235,296 Qaxooti Soomaali ah.

Xeradaasi oo la furay sannadkii 1991-kii, xilligaasi oo ay dagaalo sokeeye ka socdeen Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media