• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kuma ayuu ahaa Professor Jawaari oo ku geeriyoodey Muqdisho?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 28, 2024
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Kuma ayuu ahaa Professor Jawaari oo ku geeriyoodey Muqdisho?
45
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.Tanina waa taariikhiisa oo kooban

 

Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP.

Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dastuurka  oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadli jirey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.Xilka gudoomiyenimo ayaa loo doortey sanadkii 2012kii Alle ha u  naxaristee Jawaari waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed,oo wax badan ka shaqeeyey maslaxada umadda.

Previous Post

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinkaoo kulan muhiima la yeeshey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramadda Midoobey

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u direy ehelada Prof Jawaari Alle ha u naxariistee

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u direy ehelada Prof Jawaari Alle ha u naxariistee

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u direy ehelada Prof Jawaari Alle ha u naxariistee

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00