Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow furmay

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo looga hadlayo laba Ajende.

Kulanka oo ah midkii 20-aad Kalfadhiga 7aad ee Golaha ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa Kowoaad iyo labaad ee C/weli Muudey iyo Mahad Cawad.

Ajendaha Kulanka ayaa kala ah.

1-Akhrinta koowaad Hindise-sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka Burcad-Badeedka iyo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975.

2-Akhrinta 2aad ee dib u  eegista Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2020.

Golaha wasiirrada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre  ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media