Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo RW Xamse oo Codka loo qaadayo

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goor dhow ka furmay Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda, kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa ku furmay 220 Xildhibaan, waxaana Ajendaha kulanka uu yahay kalsooni u qaadida Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoo haatan ku sugan Xarunta Villa Hargeysa oo uu kulanka ka furmay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul Wasaare Xamse Barre, si uu u soo dhiso Xukuumad cusub oo ay horyaalan shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay soo qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda ayaa marka hore Xildhibaanada Golaha Shacabka  ka dalbanaya inay Codka kalsoonida siiyaan, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay uu Magaalada Muqdisho kulamo kula qaadanayey Xildhibaanada Baarlamaanka.

About Webmaster

View all posts by Webmaster