Kulanka Madaxda Dowladaha Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa looga hadlay faragelinta wadamada shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya

Kulan ay Madaxda Dowladaha Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya ku yeesheen New York 21kii September 2017 iyagoo ka wada qeybgalayey Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa shir-guddoominayay Yoweri Kaguta Museveni,Madaxweynaha Uganda, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iisul Wasaaradaha Dowlada Federaalka SoomaaliyaMudane Hassan Ali Khayre, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Amina Mohamed, Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti Mohamed Ali Youssef, Wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi Alain- Aime  Nyamitwe, iyo Madaxa Guddiga Amniga Midowga Afrika Smail Chergui.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha siyaasada, amniga iyo caqabadaha heysta AMISOM.

 

Kulanka ayaa la isku raacay arrimo ay ka mid ahaayeen:

 

Kulankan ayaa waxaa loogu baaqay wadamada qaarkood inay joojiyaan faragelinta qaawan oo ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa loo xilsaaray inuu welwelkan gaarsiiyo beesha caalamka.

 

In hoosta laga xariiqey sida ay uga wada go’antahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya laga caawiyo hirgelinta Qorshaha Xasilinta Dalka.

 

Waxaana la ammaanay horumarada ay ku tallaabsadeen Cidianka Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo welbia wiiqista ay kooxda Al-Shabaab awoodeeda wiiqeen, tanoo keentay inay yaraadaan gumaadka ay Al-Shabaab shacabka ku hayeen.

 

Waxaa welwel laga muujiyey dhaqaale la’aanta heysata ciidamad Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyo sida deg-deg ah ee loogu baahanyahay in loo helo ballanqaadkii Qaramada Midoobey ee ahaa helista hubabka waaweyn iyo diyaaradaha dagaalka, lagana codsaday deeq bixiyeyaasha inay ballantooda ka soo jawaabaan ugu danbeyn bisha November 2017 oo ah waqtiga ay wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay go’aan ka qaadanayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor