Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan xasaasi ah lagu wadaa inay ku yeeshaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ah mid horey loo sii shaaciyay inuu Maanta oo Arbaco ah uu dhacayo ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo kala duwan oo ku saabsan siyaasadda dalka Soomaaliya.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Qodobada kulanka looga hadlayo ay ka yimid yihiin siyaasadda cakiran ee maalmihii la soo dhaafay ka dhexeeysay dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Qaran, xayiraadihii dhawaan la saaray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Sidoo kale qodobada looga hadli doono kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah arrimaha Doorashooyinka la filayo in sanadka 2021-ka dalka dhacaan iyo arrimo kale oo quseeya siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka horeeyay kulan todobaadkii la soo dhaafay dhexmaray Agaasimaha nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, kaasi oo la sheegay inuu bilow u ahaa wadahadalka labada dhinac dhexmara.
Waxaa kaloo habeen hare uu kulan dhexmmaray xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada uu hogaamiyo Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin, waxaana looga hadlay Ajendayaasha kualnka Maanta ay yeelanayan Madaxdii hore ee dalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.