Kulan looga hadlay dhibaatooyinka COVID-19 oo lagu qabtay DDS

Kulanka oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa lagaga wada hadlayay culayska iyo dhibaatooyinka Cudurka faafaaya COVID-19.

Warbixanada iyo xaaladaha ugu danbeeyay ee halista cudurka COVID-19 ayay soo bandhigeen guddiyada kahortaga iyo hirgalinta bayaanka xalaada deg-dega ah .

Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada guud ee uu ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus ay gaartay 264 qof, isla markaana u dhinteen Cudurka 4 qof, iyagoo cadeeyay in uu cudurku ku dhex-jiro Mgaalooyinka deegaanka.

Sidoo kale Guddiga ayaa dadka ku dhaqan dowlad deegaanka ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, waxaana dadka lagu amray inay joojiyaan isku imaatinka.

Gabagabadii, Guddoomiyaha guddiga sare hirgalinta bayaanka xaalada Degdega ahna Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxmed Cumer ayaa kula dardaarmay gudiyada sare iyo guddi hoosaad inay ku dadaalaan sidii dadka looga wacyi-gelin lahaa faafida Cudurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media