Kulan looga hadlay Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la qabtay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay amniga Magaaladaas, waxaana kulanka shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqarow.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostega Magaaladaas oo mararka qaarkood weeraro ka geystaan dagaalamayasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqarow ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa amniga ka xog wareystay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada ka fuliyeen deegaanada Maamulka.

Guddoomiye Geedaqarow iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa laamaha amniga Dhuusamareeb faray inay dardar-geliyaan howlaha sugida amniga Magaalada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada dowladda qeybta 21-aad iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa dhawaan howlgalo ka fuliyay deegaano hoostega Dhuusamareeb, iyagoona ku qabsaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor