HomeWararKulan looga hadlaayay Ammaanka Gobolka Bari oo la qabtay

Kulan looga hadlaayay Ammaanka Gobolka Bari oo la qabtay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdullaahi Cusmaan Majiino ayaa shir Guddoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari oo lagu qabtay xalay Xafiska Duqa Degmada Magaaladaas. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa warbixino kala duwan oo ku aadan dhinaca amniga Gobolka iyo Magaalada Boosaaso laga dhageystay Saraakiisha amniga, iyagoona ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdullaahi Cusmaan Majiino ayaa shir Guddoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari oo lagu qabtay xalay Xafiska Duqa Degmada Magaaladaas.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa warbixino kala duwan oo ku aadan dhinaca amniga Gobolka iyo Magaalada Boosaaso laga dhageystay Saraakiisha amniga, iyagoona ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

- Advertisement -

Taliayha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in amniga Gobolka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana laamaha ay ka shaqeynayaan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Sidoo kale Taliye Xuseen Cali ayaa tilmaamay in laamaha amniga Magaalada Boosaaso iyo shacabka ay ka dhexeeyso wadashaqeyn, isla markaana la fuliyay amaradii dhawaan Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka ay kasoo saareen amniga Boosaaso.

Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska iyo nabadsugida, waxaana lagula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha sugida amniga, sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka Magaalada Boosaaso.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts