Kulan lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda oo ka furmay Muqdisho

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa  lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

About Webmaster

View all posts by Webmaster